Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking— Madaxweyne Farmaajo oo diidan inuu Garowe tago iyo Beesha Caalamka oo ku riixaysa Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar rasmi ah oo aan hayno waxay sheegayaan in Caawa uu diidey in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu aqbalo casumaada Shir Garowe uga furmaya Saamileyda Siyaasada Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuu ka cududaartay Shirka Taasina kuma aysan farxin Beesha Caalamka iyo Masuuliyiinta kale ee Shirka qabanqaabineysa, waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegey Dublamaasi Soomaaliyeed oo u dhuun daloola qabanqaabada Shirka.

Beesha Caalamka ayaa madaxweynaha ku cadaadinaysa inuu Shirka tago si looga munaaqashoodo Hanaanka Doorashada.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Gudoomiyaha Baarlamasnka Maxamed Mursal ayaa iyana Shirka ka qayb galaya.

Shirkaan wuxuu noqonayaa isku daygii u dambeeyey ee lagu doonayo iney Dalka ka dhacdo Doorasho loo dhan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Breaking— Madaxweyne Farmaajo oo diidan inuu Garowe tago iyo Beesha Caalamka oo ku riixaysa Garowe appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this