Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo u mahadceliyey Dadkii ka qaybqaatay siideynta Gabdho Bistoolad Madaxa looga qabtay kadibna Xabsi ladhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta Waxaa Muqdisho ka dhacay dhacdo foolxun oo uu geystay Sargaal ka tirsan Nabad sugida, kasoo Xabado ku furay Dad Mudaharaadayay.

Video dhex wareegaya Baraha Bulshada ayaa waxaa ka muuqda nin Dharxadxah oo Wadada la lugaynayaan Bistoolsd kadibna Gabdho Mudaharaadaya ayuu Madaxa uga qabtay Bistoooada isagoo wakhtigaas waxyar ka horna Xabado cirka u ridey.

Sadexda Gabdhood ayaa kadib loo taxaabay Xabsiga iyagoo lagu eedeeyey Banaanbsx ka dhan ah Xukuumada.

Saacado kadib Waxaa Xabsiga Degmada Wadajir oo gabdhaha lagu xiray soo gaaray Jeneraal Indhacade , Sidaas ayaana Gabdihii lagusoo daayay.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u mshadceliyey Dadkii Xabsiga kasoo daayay Gabdhaha oo Janaraalka u horeeyo, wuxuuna ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo falka foosha xun ee uu geystay Sargaalka ka tirsan NISA.

Sawirka hoose waa Sargaalka oo bistoolada ka dul ridaya Dad Rayid ah

E0D25F6E-ACCB-4F3E-842C-6480628CDB35-800 9DAFE29D-E116-45D1-B317-A98C8BEF731A-800 FB66CA43-1BF5-47D5-BDC0-CB526D1E5B3A-800

The post CC Shakuur oo u mahadceliyey Dadkii ka qaybqaatay siideynta Gabdho Bistoolad Madaxa looga qabtay kadibna Xabsi ladhigay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this