Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo dhagax-dhigtay xarun muhiim ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ka dhagax dhigay xarunta Dhaqanka iyo Suuganta Shuuriye.

Munaasabadda Dhagax dhigga ah waxaa goob joog ka ahaa, wasiirro, xildhibaanno, golaha Abwaanada Soomaliyeed iyo maamulka Caasimada Galmudug.

Xaruntan dhaqanka iyo suugaanta oo noqon doonta goob lagu keydiyo dhaqanka Iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa loogu magac darey Alle ha u naxariistee Abwaanka Soomaaliyeed Faarax shuuriye oo ka mid ah suugaanleyda tilmaamaha fog ku leh dhigaalka murtida Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay siinayaan hiddaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed, isagoona u mahad celiyay Dhalinyarada iyo gollaha Abwaanada Soomaliyeed ee u guntaday Xarunta

Dhismaha xaruntaan oo ka kooban dhowr dabaq ayaa noqon doona keyd kulmiya xusuusihii suugaaneed ee afmaalkii qarniyadii tagey soo marey goboladaan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

0fc700c6-e440-4018-bbd7-5df66ac2e570.jpg4ac20eb2-722a-44f6-8783-d41efc9e9f4e.jpg8bbdab5b-938d-464d-a8fd-ba5391e1052f.jpg16c091d1-34de-43bd-943e-49bd284c6e54.jpg41fbd3ce-ce04-491b-a227-4d42cc3a4fc2.jpg73c0dbb3-32a4-4eb3-919c-2ebb176e37c6.jpg455f0e51-9799-4f49-9b57-6bd7f7ebda82.jpg8175d9fb-e0cb-4542-92c2-221c1bc5e932.jpg545821bd-3900-42a4-8dcb-eec6315e4b87.jpg740208c6-9ec9-4f76-a344-cbad8548e958.jpgc85dacfa-c069-49f0-b577-c575130f1cb7.jpgd5baf923-17ef-4008-a6eb-bec2611af562.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this