Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Tuniisiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Tuniisiya ayaa sheegtay in la helay meydadka 20-ruux oo Tahriibayaal ah, halka kooxaha gurmadka ay ku howlan yihiin raadinta dad kale oo aan nolol & geeri lagu heyn, balse gurmadka baadigoobkoodu socdo.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan ay ka baxeen mid ka mid ah xeebaha dalkaas oo qaab qarsoodi ah uga tahriibay si ay u galaan Dalka Talyaaniga, maadaama Marinka Liibiya dhibaato badan ku gedaaman tahay.

Ilaalada xeebaha Tuniisiya ayaa sheegay in ay ku baxeen doontaan & meydadka dadka la socday oo biyaha dul sabbeynaya, halka qaar kamid ah ay soo aadaan dhanka Xeebta magaalada Sfax ee bartamaha dalkaas.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ay soo bad-baadiyeen 5-ruux oo la daweynayo, maadaama biyo badan ay cabbeen, qaarkood ayaa lagu xiray Oksijiin si neef loo siiyo, sabab la xiriira in aysan awoodin u neefsashada qaabka dabiiciga ah.

Cali Ayaari oo ah afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha Tuniisiya ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in sababta doonta ay u rogmatay ay noqon karto dadka oo ka batay, balse baaristooda ay ku ogaanayaan xaqiiqada dhabta ah.

Dowladda Tunisia ma aysan sheegin dhalashada Tahriibayaashaan Afrikaanka ah ee doonta la degtay, waxaana lagu wadaa in marka ay soo gaba-gabeeyaan howlgalka raadinta dadka maqan in ay soo gudbiyaan dalalka ay kasoo kala jeedaan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this