Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaah-wareer ka taagan Suuqyada Garowe kadib markii laga diiday Shiling Soomaaliga

Recommended Posts

Deeq A.   

Suuqyada Garoowe, waxa saaka oo jimce ah ka taagan jaah-wareer xooggan, oo salka ku haya isticmaalka iyo socod-siinta Lacagta Shiling Soomaaliga ah, kaas oo saamayn taban ku yeeshay nolosha danyarta.

Dhammaan Goobaha kala duwan ee Ganacsiga Garoowe iyo Dukaannada iibiya Agabyada as’aasiga ah, ayaa diiday Socod-siinta iyo Isticmaalka Shiling Soomaaliga, kadib markii sida ay sheegeen dowladdu diiday in ay Canshuurta ku qaaddo Shiling-ka.

“ Saaka aniga oo Shiling Soomaali badan sita, waxan iibsan kari waayay kimis Rooti ah. Sidoo kale koob shaah ah waan ka cabi waayay, waxaana la idhahay:  tani socon maysee Dollar ma haysaa” ayuu yiri qof diiday in magaciisa la xigto.

Jaah-wareerkan soo kordhay, wuxu durba saamayn ba’an ku yeeshay nolosha muruq-maalka iyo dadka kale ee danyarta ah, kuwaas oo aan haysan Lacagta Dollar-ka, si ay wax ugu iibsadaan.

PUNTLAND POST

The post Jaah-wareer ka taagan Suuqyada Garowe kadib markii laga diiday Shiling Soomaaliga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this