Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkiga Iyo Usa W/Q Mohamed Aden Hassan.

Maamulka jamhuuriga ah e wakhtigisu dhamaad kusii siqaayo e madaxwayne Donald trump iyo congress ka ayaa cunqabatayn liidata saaray waxaha dhinca difaaca e dalka turkiga.
Cunaqabatayntasina wax saamayn ah ma leh.

Labada dal Xagay iska seeganyihin?

Horta turkiga iyo galbeedka guud ahaan waligoodba dagaal diimed ayaa ka dhaxeyay iyo dagaal dhinaca samaynta ah iyo awooda waa taarikhde hore iminkana wakhti xaadarkan dagaladas ayaa dib uso cusbonaaday uun.

Turkiga iyo mareenkanku waxay si lama filaan ah isu seegin duulanki ciraaq e danbe e Bush kii yaraa markaso U Bush ka codsaday raysalwasaare Erdogan in dalka turkiga lagaga duulo ciraaq o lasii dhex mariyo ciidamo dhaafaya 60 kun oo askari balse erdogan oo geesiya arrintaas ganafka ayu ku dhuftay sido kale labada dal waxay isku seegen o ku kala feker tageen dagaalki suuriya xiligi xukuumada madaxwayne Obama , markan haddaba sanad ka hor turkiga ayaa soo iibsaday gantaalada ruushka e ridada dheer e S400 gantaladaso mareekanka aad uga gabado maadama ay diyaaradihisa ay si toos ah u bartalmaasanayaan.

Gantaalka S400 Maxaad Tahay?

S-400 waa nidaam gantaal difaaca hawada oo ay soo saartay Almaz Central Design Bureau ee Ruushka. Nidaamka cusub wuxuu bedelay Nidaamyadii hore S-300P iyo S-200 aadna wuu ugu awood sareeya dhinaca badhtilmaamedka Haddana S400 Kor ayaa loo qadaya o waxa la soo saaraya version ka cusub ee S500.

S400 Maxaad ka koobantahay?

Gantaalka S400 waxa u ka koobanyahay radar Long Range serveilance ah raadarkasoo tixraacaya bartilmaamedka tusaale ahaan o kale diyaarad ka dib xog faahfahsan aya ka keenaya.
Waxa kale u ka koobanyahay gaadhi(Command vehicle) kaas o radarka iyo gantaalku saaranyihiin isla markaana ay tahay meesha laga hawl galaayo e raadarka iyo gantaalka.
Ugu danbayn gantaalka ayaa dhinaca danba ee gaadhiga kaga rakiban.

Ugu danbayn waxa suurtagala maxay turkiga s400 uso iibsadeen iyaga o NATO ah suasha jawaabtasi waa USA ayaa u diiday gantaalka Patriot Missle turkiga ka dib turkiga ayaa goaansaday in s400 soo iibsado maadam loo diiday labo sababood oo waawayn awgeed o ah horta in u gol jilic uga dhigo NATO o marba tijaabiyo maadama ay ka cabsi qaban in s400 akhriyo macluumadka hubka NATO ta kalana waa in ay daraseyan gantaalka s400 ka dibna ay hubka turkiga sameyo sida diyaaradaha iyo gantaalada ay aanu u bar tilmaamsan Waa S400.

Haddaba USA miyay ka maarmi karaan turkiga?

Jawaabtu waa maya si sahlan maadama turkiga yahay jaangoye wayn o ay kawada tirsanyihiin nato hadii ay ahaato siyaasada arimaha dabada iyo dhinaca dhaqaalaha iyo waliba muhiimada u muhiimka u yahay gobolka bariga dhaxe iyo buqcada strategy ga ah e u ku yaal o ah in u yahay buundo isku xidha Bariga dunida iyo galbeedka dunida hadii aad mapka aad eegto.

Sido kale sirta meesha kula dhan waa in turkiga yahay isku miisame bariga yacnii chinaha iyo ruushka iyo galbeedka USA IYO Xulafadiisa marba dhinac ayu miisama xagan galbeedka markay dibinta ruugan dhinaca kale ayu isu jalada o ah bariga taas cagsigeeda marka ay barigu dibinta u ruUgaan dhinacan galbeedka ayu isu barbariyaa axyaa siyaasad samayn leh weeyan.

Ugu danbayn Waxayna si toos uga jawaaben Turkiga cunaqabatanti oo waxay soo bandhigeen diyaarad roondayn doonta badaha turkiga waxayna tijaabiyeen gantaalka cusub ee HISAR-A+ Taas oo ah jawaab toos ah o macnahedu yahay ma nihin dal la cunaqabateeyo mana nihin dal si fudud loo dhayal san karo.

Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan
Email: moadam203@gmail.com

 

Maqaalada ku soo baxa shabakadani ma ah qaar ka turjumaaya aragtidayada ee fikrada akhristaha

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this