Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Mowliid “Fursad Qaali Ah Ayay Aheyd In Ku Dheelo Dalkayga”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyaaryahanka Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug Axmed Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ay u aheyd sharaf  weyn in uu ku ciyaaro Magaalada Muqdisho,isagoo ku dhashay kuna barbaaray Wadanka Finland gaar ahaan Magaalada Hyvinkää.

2Z2A3764.MOV.00_53_56_04.Still001-1024x5

Ururka Kubbadda Cagta Wadanka Finland ee SOCUS ayaa ciyaaryahan Axmed iyo laacibiin kale u fudeeyay in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho kana qeyb galaan tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxayna arintan ku sheegeyn in ay tahay guul weyn ay ka sameeyeen is dhaxgalka bahda isboortiga Soomaaliya iyo Wadanka Finland.

Screenshot-2020-12-25-at-10.39.04-1024x7

SOCUS guul weyn ayay u tahay da’daalka iyo wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn xidigaha Galmudug ee ka yimid Finland,waxaa naga go’aan in aan kooxaha iyo Xulka Qaranka dalkeena ugu faa’idayno dhalinyarada tayada wanaagsan ee ku dhashay kuna barbaaray Finland” ayuu Goobjoog Sporta unsheegay guddoomiyaha Ururka SOCUS mudane Cabdiqaadir Qaaje.

Sequence-180.00_01_10_05.Still001-1024x7

Axmed Mowliid Wuxuu ka mid tiro ciyaaryahano ah oo doorka wanaagsan kulahaa wax qabadma kooxda Galmudug,waxayna dhalinyarada kaga yimaadan Wadanka Finland,iyagoo soo bandhigay Xirfad sare.

Screenshot-2020-12-25-at-12.18.58-1024x5

“Sharaf weyn ayey ii tahay maanta in aan ka cayaaro magaalada Muqdisho aniga oo ku dhashay, kuna koray wadanka Finland”ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacibka kooxda Galmudug Axmed Mowliid Guhaad.

2Z2A3764.MOV.00_53_56_04.Still001-1024x5

Si kastaba Hogaanka Uruurka SOCUS ee dalka Finland ayaa labadii sano lasoo dhaafay suuro-geliyay in ay dalka keenaan ciyaartooy tayo wanaagsan kuwaas oo guulo waaweyn gaarsiiyay Xulka Qaranka,kooxaha Kubbadda Cagta Soomaaliya.

Screenshot-2020-12-25-at-10.39.10-1024x7

Daawo Axmed Mowliid Oo La Hadlay Goobjoog

Sidoo Kale Aqriso Xogo Kale Oo Ku Saabsan Axmed

Axmed Mowliid “Si Wanaagsan Ayaa La Ii Soo Dhaweeyay”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this