Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyeyaal Lagu Xiray Beledweyn oo Xoriyddooda Dib u Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wariye Cabdulqaadir Dulyar iyo  Wariye Maxamed Cismaan Makaraan oo lagu xiray magaalada Baladwene ayaa xabsiga laga sii daayey, kadib markiiciidamada ammaanka ay xabsiga dhigeen wariyeyaashaan xalay iyo saaka.

Wariye Cabdulqaadir Dulyar ayaa xalay xabsiga la dhigay kadib markii uu baahiyey muqaal wareysi ah oo ka qaaday Jenaraal  Abuukar Xuud oo ku sugan duleedka Baladweyne, ahna madaxa jamhadda kasoo hor jeeda Hirshabeelle.

Sidoo kale Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn ahna guddoomiyaha ururka warbaahinta ee SOMMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa la xirey saaka kadib markii uu xabsiga ku booqday xabsiga weriye Cabdulqaadir Dulyar.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this