Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Ex-M/weyne Xasan Sheekh : – Maanta Madaxweyne Farmaajo waxa uu laalay Dastuurkii Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay in ay aheyd talaabo sharciga iyo Dastuurka Dalka baalmarsan oo sharci daro ah xeerkii Madaxweyne Farmaajo maanta saxeexay ee ahaa dib u dhigista Ansixinta iyo wax ka bedelka Dastuurka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo maanta uu qirtay inuu ku fashilmay balanqaadkii iyo hawshii Qaran ee loo igmaday ee aheyd dhameystirka Dastuurka Dawlada Federaalka Somaaluyeed ee qabyada ah.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku eedeyey Madaxweyne Farmaajo inuu u gogol xaaranaayo inuu Dalkan ku xukumo Digreeto lagu soo suubiyo Villa Somaaliya taas oo ah fikir fool xun oo waa hore dhintay, maantana aan wakhtigeedii la joogin.

The post Daawo Ex-M/weyne Xasan Sheekh : – Maanta Madaxweyne Farmaajo waxa uu laalay Dastuurkii Dalka appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this