Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan DFS & maamulka G/Banaadir oo kormeer sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha  Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar  Maxamuud Maxamed  Cumar Filish iyo Wasiirada Caafimaadka iyo Gargaarka Soomaaliya ayaa soo kormeeray goob laga dhisi doono xarunta Gurmadka Degdega Qaran, oo ah gudaha isbitaalka Laansaleeti  ee magalada Muqdisho.

Duqa magaalaga Muqdisho mudane Cumar Maxamed (Cumar Filish) ayaa yiri “Waxaan joognaa isbilaalka Laansaleeti ee magaalada Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir, Wasiirada Gargaarka iyo Caafimaadka Soomaaliya waxaan u aragnay in ay tahay meesha ugu haboon ee xarun gurmad dag-dag caafimaad  loo gu sameen karo bulshada, waxaa jira masiibooyin kala duwan una baahan goob lagula tacaalo, goobtaan ayaa noqon doota meel qaabilsan xaaladahaas”

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in xarunta gurmadka ay qorsheynayeen inay ka hirgeliyaan goobo kale, balse daruufo jirto awgeed ay u suurta geli weysay.

“Waxaan marti u nahay Wasiirka Caafimaadka iyo arrimaha bulshada  Dr Fowsiya iyo Wasaaradeeda oo aan ka codsanay maadaama xil gaar ah naga saaranyahay ka Wasaarad ahaan barnaamijka 100 maalmood ee uu Ra’isul Wasaaraha ay ku jirto dhismahan xaruntaan oo horay loogu iclaamiyay goob kale, dhuruufaha jirana ay caqabad nagu noqotay in goob kale loo badalo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka xarun malahan  Wasiirka Caafimaadka iyo arrimaha bulshada  Dr Fowsiya waan kaga mahadcelinayaa soo dhaweenta“ ayey tiri Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye .

Ugu dambeen waxaa goobta ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo sheegtay in xaruntaan ay muhiim u tahay bulshada Soomaalieed

“Waa idin soo dhaweynaynaa waana idinkaga mahadcelinaynaa sida aad ugu dadaaleysaan waajibaadka idinka saaran goobtaan, waana halkiii ugu habooneed ee laga hirgalin halaa goob caafimaad, waana idin diyaar“.ayay tiri Wasiir Fowsiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this