Deeq A. Posted December 24, 2020 Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir uga furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Shirka oo hadda ka socda aqalka madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo ayaa looga hadlayaa doorashada Soomaaliya, amniga Gaalkacyo iyo iskaashiga labada maamul. Waxaa shirka ka qeybgalaya, xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, wasiiro iyo saraakiil madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ee labada dhinac ee gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Madaxda Puntland iyo Galmudug oo shir uga socdo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites