Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro “Kulankii Deni iyo Qoorqoor oo bilowdey, Malaga yabaa inuu Deni Doorashada badbaadiyo sidii Shirkii Dhuusamareeb oo kale”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa shalay bilaabay Safar uu mar kale usii saaran yahay Wada Muqdisho, isagoo Safarkiisa ka bilaabay Kulan uu Gaalkacyo kula qaadanayo Dhigiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Kulankasoo Madaxweyne Deni uu ku doonayo in xal loo helo Arimaha Doorashada ee murugsan.

Madaxweyne Deni wuxuu safar ku Mari doonaa Caasimadaha Maamul Goboleedyada iyo Magaalada Muqdisho.

Wararka ay Puntlandi helayaan, Madaxweyne Deni wuxuu la kulmi doonaa qaar kamida Madaxda Maamul Goboleedyada , Madaxda u sharaxan Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka maanta waxaa diirada lagu saaraya amba qaadida Heshiisyo ay horay u wada gaareen labada dhinac oo ku saabsan kawada shaqaynta Amaanka iyo Horumarinta labada Maamul.

Horay ayaa Madaxweyne Deni uu ugu guulaystay badbaadinayo Shirku fashilmay ee Dhuusamareeb laakiin su’aashu waxay hada tahay Madaxweyne Deni kolkaan ma ku guulaysanayaa xalinta muranka Doorashada?.

Sawiradaan hoose waa kulanka hada ka socda Gaalkacyo

Puntlandi.com Gaalkacyo

26E1AD4A-BDC6-4B99-93A6-74C0F48F8684-608 F8B37D93-9CBC-4653-9899-466EA1F27411-568 18E5F512-9D27-4BBD-982E-399E0BA5CCBB-599 2DC523D2-2989-4A39-AF98-A6512731E15E-676 A67FB366-45E0-41F2-AF12-4199AA4911A6.jpe 295E3518-19D6-41AD-BCCF-6B0B577217B6.jpe 585B2E9E-5FDC-4917-8952-EADBA06502BD.jpe 83D3E1FF-6542-4175-AE70-930F3B99BC40.jpe B8EFE18E-4174-43E8-9556-7FE284AD028B-800 D7D470C2-37CE-46D0-8485-9888BD6718D5-800

The post Sawiro “Kulankii Deni iyo Qoorqoor oo bilowdey, Malaga yabaa inuu Deni Doorashada badbaadiyo sidii Shirkii Dhuusamareeb oo kale” appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this