Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Faarax Macalin ka yiri xiisadda Soomaaliya & Kenya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaar oo wareysi siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisada Soomaaliya & Kenya.

Faarax Macalin ayaa marka hore soo hadal qaaday dhaq-dhaqaaqyada milatari ee haatan ka jira xadka labada dal, gaar ahaan ciidan uu fallaago ku sheegay oo lagu uruurinayo dhanka magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya.

Sidoo kale Faarax Macalin ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya aysan markii hore  ku soo gelin ogolaashiyaha Qaramada Midoobay & M/ Afrika, balse ay sababtay, kadib weeraro ay Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhexeyso xiisad xoogan oo sababtay inuu go’o xiriirkii diblomiyaasadeed ee labada dal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this