Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo war ka soo saartay geeridii ku timid Bacalwaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii qaranka Allah u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Fanaanka wuxuu muddo isbitaal ugu jirey xanuun la xiriira dhanka neefmareenka oo ugu dambeyn u geeriyooday, dhakhaatiirta la tacaaleysay Cabdi Cali Bacalwaan waxay sheegeen in uu haleeley cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Wasiirka Cismaan Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fanaanku kamid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo qaranka u soo hurey wax kasta isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed.s

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this