Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasiga Ugu Sarreeya Imaaraadka Carabta Oo Qirtay Arrin Hadal Hayn Ka Abuurtay Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubia)-Diblomaasiga ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii qirtay xayiraad aan sharaxaad laga bixin oo la saaray dadka dalkaasi kasoo booqanaya Pakistan, taasi oo hadal badan ka abuurtay Pakistan.

Wakiilada dhinaca socdaalka ee gooya tikidhada ayaa sidoo kale sheegay in xayiraaddan lagu beegsanayo in ka badan 10 dal oo kale muslimiin ah, ayada oo uu jiro tuhun ku saabsan in arrintan loo sameeyey Israa’iil darteed.

Kadib kulan uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay “in dhowaan hakin ku-meel gaadh ah lagu sameeyey soo saarista Visa-ha sababo la xidhiidhka cudurka COVID-19,” sida ay werisay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM.

Ma sharxin sababta loo hakiyey Visa-ha hore loo bixiyey, taasi oo lama filaan ku noqotay dad badan oo doonayey inay soo galaan dalkaas.

Visa-ha la hakiyey ayaa lagu beegsaday dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Lebanon, Kenya, Iran, Syria, Afghanistan iyo Yemen, waxayna arrintan timid ayada oo ay billaabatay inay dalkaas soo galaan dalxiisayaal ka socda Israa’iil, kadib xidhiidh dhex maray labada dal.

Saeed Mohammed, oo ka shaqeeya shirkadda socdaalka ee Arabian Nights Tours ee Dubai ayaa sheegay in heerka ogolaanshaha Visa-ha qoysaska ka imanaya dalka Pakistan ay sare u kacday toddobaadyadii tegay.

Si kastaba, waxa uu sheegay in Visa-ha dadka dhallinyarada ah ee aan xaasaska aheyn aan loo ogleyn inay dalkaas soo galaan, taasi oo sare u qaadday tuhun la xidhiidha in go’aankan uu salka ku hayo arrimo amni.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this