Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dilay in ka badan 100 qof oo ka dhacay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in galbeedka dalkaasi lagu dilay in ka badan 100 qof, kadib markiii ay koox dabley ah oo aan weli heyntooda la aqoonan ay weerar ka geysatay gobolka Benishangul-Gumaz.

Guddiga xuquuqul insaanka ee wadanka Itoobiya ayaa sheegay in weerarkan uu si gaar ah uga dhacay tuulada Bekoji, halkaas oo lagu laayey dad badan oo rayid ah.

Warka ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dadka qaarkood la toogtay,  halka kuwa kalana lala dhacay toorey, qaar kalena la gubay.

“In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar dab iyo toogasho isugu jira oo ay geysteen rag hubaysan waa barigii Arbacada”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Sidoo kale isbitaallada ayaa waxaa sidoo kale la dhigay in ka badan 30 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, sida uu sheegay Kal-kaaliye caafimaad oo ka tirsan xarun maxalli ah.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli gobolka ay ka dhacday mashaqadaasi ee Benishangul-Gumaz uu maalin ka hor booqday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu dhimashada ballaarneyd oo mar kaliya laga geysto gobolkaasi ama guud ahaan dalka Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this