Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden oo magacaabay xoghayaha Waxbarashada Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dooran ee waddanka Mareykanka Joe Biden, ayaa shalay Xoghayaha Waxbarashada ee Maamulkiisa u magacaabay Miguel Cardona.

Mr Biden, ayaa ku tilmaamay Miguel Cardona, in uu yahay nin si adag ugu dooda Waxbarashada dadweynaha, islamarkaana hoggaamin kara Wasaaradda Waxbarashada Maraykanka.

Waxuu in taas ku daray, in si ammaan ah wax loo baro ardayda, iyadoo la dhowrayo badqabkooda ay u baahan tahay qof fahmi kara baahida loo qabo qabo ka hortagga xanuunka COVID-19, si aysan uga sii darin sinnaan la’aanta hannaanka waxbarashada ee uu sababay xanuunkaas.

Mr Miguel Cardona oo 45 sano jira ah, ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda bulshada Latino-ga kaas noqda xoghaya waxbarashada ee Mareykanka, hadii ay ansixiyaan golaha Senat-ka ee Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Joe Biden oo magacaabay xoghayaha Waxbarashada Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this