Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ku baaqay in Muqdisho Xoog looga saaro Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo xalay hadal ka jeediyay madal ay ku kulmeen Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa ku baaqay in Muqdisho xoog looga saaro Madaxweyne Farmaajo, haddii wakhtigiisu dhammaado, isagoo aan qaban doorasho loo dhanyahay.

Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, sidaas darteedna uu Qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeeye ku wado dalka.

Wuxu tilmaamay, in wixii haatan ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin, Arrimihii mudda afar sano ah loogu dulqaadanayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo ay kamid yihiin Keligii-talisnimo iyo Awood-maroorsi ku dhisan burburin iyo Qalalaase.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ayaa sidoo kale sheegay in mudadii uu xilka hayay Farmaajo ay dhibaatada ugu badan gaartay Shacabka Muqdisho, islamarkaana ay ka dhinteen dadkii ugu badnaa, oo ay ku jiraan kun qof oo hal maalin dhintay.

Hoos ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ku baaqay in Muqdisho Xoog looga saaro Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this