Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo loogu baaqay in ay Farmaajo u aqoonsato Qaswade Siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Musharaxiinta Muqdisho, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal ku soo saareen Jadwalka cusub ee Doorashada.

Midowga Murashixiintu, waxay sheegeen in ay tallaabadaas u arkaan boobka doorashada heer Federaal, oo uu Madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga.

Murashixiintu, waxay ugu baaqeen Β Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, in aysan ku kadsoomin qabashada doorashooyin aan la isku raacsaneyn.

Sidoo kale, Midowga Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Madaxweyne Farmaajo loo aqoonsado Qaswade Siyaasadeed.

1-38.jpg?resize=1000%2C1409&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo loogu baaqay in ay Farmaajo u aqoonsato Qaswade Siyaasadeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this