Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada musharaxiinta oo la wareegay agagaarka KM4 iyo amniga Hotel Afrik

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga Musharaxiinta ayaa caawa la wareegay agagaarka Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho, iyo sugidda amnigiisa, halkaasi oo uu caawa ka dhacayo shir xasaasi ah oo ay leeyihiin.

Ciidamada sugaya ammaanka Musharaxiinta ayaa xiray wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan eeriyada isgoyska KM4, waxaana gaadiid dagaal oo ay wataan la dhigay wadada aada dhanka garoonka diyaaradaha.

Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka u diidaya inay isticmaalaan wadooyinka soo gala Hotelka, waxayna arrintan ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay hor istaageen xaflad uu Hotelkaas ku dhigan lahaa Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah musharaxiinta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in musharaxiinta ay ka war heleen suurta-galnimada ah in dowladda ay ciidan usoo dirto hotelkaas, islamarkaana ay isku daydo inay joojiso kulanka musharaxiinta.

Shirka caawa ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin xal u helidda xilligan kala guurka ah iyo xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana ka soo qeyb galaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo aad ugu dhaw musharaxiinta, qorshuhu waxa uu yahay in shirkaas ay khudbado ka jeedinayaan Musharaxiinta, iyadoo lagu marti-qaaday xubno ka kala socda qeybaha kala duwan bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this