Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayax Ku Degay Gobolka Bokol

Recommended Posts

Deeq A.   

Ayax ayaa saaka Waabarigii ku degay beero ku yaalla degmada Xuddur ee gobolka Bokol, kaas oo soo gaaray  shalay gelinkii dambe, waxaana uu dhibaato ka sameeyey beerihii uu ku degay isaga oo baabi’iyey dalagyadii la beeray.

Isuduwaha Wasaaradda Beeraha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa ayaa tilmaamay in  Ayaxa uu saameen ba’an ku yeeshay dalagii ka soo go’i laha beeraha oo dhowaan la tabcay.

Maamulka gobolka Bakool oo kormeerey  beeraha maanta uu ku degey Ayaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa fariin u direy madaxda dowladda dhexe, kuwa Koonfur Galbeed iyo Hey’adaha caalamiga ah, si wax looga qabto Ayaxa.

Ayaxa ku degay gobol Bokol ayaa sidoo kale waxaa uu  sidoo kale horay uu soo saameeyey gobolo badan oo dalka ah sida Somaliland, Puntland Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo saameyntiisa lagu arkayo dhul badan.3cc617e1-c142-4f44-83d3-749ee8231fe4.jpg

859d39d0-300c-4e28-8b6b-56cbeeaa13f8-1.jpg

859d39d0-300c-4e28-8b6b-56cbeeaa13f8.jpg

8118c5ce-82b4-4665-aece-d47ed63cdcaf.jpg

77539529-6b13-45e0-be15-5305f17cb7ee-1.jpg

77539529-6b13-45e0-be15-5305f17cb7ee.jpg

a88ab210-ee48-41c9-aa8c-1339e89e8ab0-1.jpg

b8fc60db-0ae4-459d-a771-e355e9551897.jpg

f1b71d05-a28b-44c8-bcfa-6c4bd8c2c3a5.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this