Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo amar dul-dhigtay shirkadaha shidaalka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliyeed, Dr  Ibraahim Cali Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey arrimaha shidaalka dalka, xilli ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso soo saarista shidaalka iyo saliida uu Alle ku maneystay.

Dr Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay in fursad muhiim ah ay heli doonaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda shaqo la’aanta ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in hay’adaha ka shaqeyn doono soo saarista shidaalka aysan ajnabi u qaadan doonin shaqo uu qaban karo qof Soomaali ah, islamarkaana ay ku dadaali doonaan dhaqan-gelinta amarkaasi.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey uga hadashay arrimaha shidaalka, iyada oo tartan u bandhigtay shirkadaha ka shaqeeya, si looga faa’iideysto, loona bilaabo soo saarista shidaalka uu hodanka ku yaha dalkeena.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this