Sign in to follow this  
Deeq A.

Ibraahim Cabdullahi oo xukun adag lagu ridday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ibraahim Cabdullaahi oo da’diisa lagu sheegay 29 Sano jir ayaa Maxkamad ku taalla Magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska  waxaa ay ku riday xukun adag.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu riday xukun dhan 12 Sano oo Xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah in uu qoorta iyo shafka Toorey kaga dhuftay Lanush Alija oo ay ku dagaalameen wadada Hutton, magaaladda Sunderland bishii November ee sanadkii 2019-kii.

Dhaawac culus ayaa la sheegay in Lanush Alija oo isugu jira jabniin iyo waxyeelo daran in uu kasoo gaarey cuno-mareenka taasoo dhalisay in Isbitaal la seexiyo, sida lagu daabacay Shabakadda Wararka Sunderlandecho.com.

Garsooraha Maxkamadda Magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Ibraahim uu falkaasi ku geystay mindi, hadii aan la qaban laheyna uu geysan karay falal intaasi kasii daran.

Sidoo kale Warbaahinta ayaa sheegtay in ay suurtogal tahay in ibraahim loo soo musaafuriyo dalkiisa Hooyo ee Soomaaiya, in kastoo uu ku barbaaray Gudaha dalka Ingiriiska.

Qareenka difaacaya Ibraahim ayaa sheegay in ay aqoon dheer  isku leeyihiin isla markaana fal-dambiyeedka  uu uga dhacay si aan ula kac aheyn, isla markaana uu dalbaday in laga laabto xukunka lagu riday.

Soomaali farabadan oo ku nool qaar kamid ah dalalka Afrika iyo Yurub ayaa marar badan geystay dambiyo kala duwan, iyaga oo inta badan lagu rido xukuno u badan xabsi iyo in dalkooda dib loogu soo celiyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this