Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo daah-furtay bandhigga miisaaniyadda ee 2021-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ka daahfuray kulan lagu soo bandhigayey miinaaniyadda Galmudug ee sanadka 2021-da, kaas oo ay soo agaasintay wasaaradda maaliyadda Galmudug, si looga doodo madaxyada ay ka ka koobantahay, ka hor inta aan la horgeynin Baarlamaanka.

Kulanka oo lagu casuumay mas’uuliyiinta wasaaradaha Galmudug iyo Hay’adaha madaxa banaan sida Garsoorka, Hanti- dhowrka iyo Hay’adda shaqaalaha Rayidka,

ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyey kutalagal sanad miisaaniyadeedka 2021-a iyagoona dhinacyadu ay ku biiriyeen aragtidooda.

Wasaaradda maaliyadda Galmudug ayaa diiradda saaraysa helidda hanaan maaliyadeed oo leh isla xisaabtan iyo hufnaan kaas oo la jaanqaadaya hal-beegyada caalamiga ah ee maareynta maaliyadda Public Finance Management (PFM).

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Ciid ayaa ku amaanay wasaarada maaliyada Galmudug doorka ay ka qaadatay hanaanka maaliyadeed ee Galmudug iyo kordhinta dakhliga, sidoo kale waxa uu wasaarada maaliyada ku amray in hay’adaha dawliga ah ee Galmudug ay helaan miisaaniyada loo qoray si loogu fudeeyo gudashada howlaha horyaal.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

132626203_220950226150349_9064886158664134541_n 132268534_220950179483687_7576606768452598543_n 132427690_220950282817010_6311919849714952673_n 132591490_220950382817000_328445391119077568_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this