Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: BIIXI oo safar deg deg ah ku gaaray JABUUTI

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safar deg deg ah ugu amba-baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey gudaha magaalada caasimada ah ee dalkaasi.

Safarkan ayaa waxaa Muuse Biixi ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa inta uu joogo uu wadanka Jabuuti kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono arrimaha siyaasadda & qodobo kale oo muhiim ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo si kooban looga hadlay socdaalka Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay inuu salka ku hayo arrimo ku aadan danaha, xiriirka & iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Biixi & Geelle ay ka wada-hadli doonaan arrimo ku aadan dib u soo celinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba socdaalkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo dhowaan madaxweynaha maamulka Somaliland uu booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay madaxda sare ee wadankaasi.

Muuse-Biixi-696x423-1.jpg 132536914_3525863964194098_7072532203419 132649796_3525863767527451_8212957725284Bi-750x430-1.jpg gaaray-1-696x464-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this