Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi oo u Ambobaxay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar ugu ambobaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweyne Cismaaciil Cumae Geelle.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona sida La sheegay muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti ka dhexeeya.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)No description available.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this