Deeq A. Posted December 23, 2020 Wasiirka wasaraadda amniga maamulka Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga deegaanada maamulkaasi. Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda amniga,maamulka gobolka Nugaal, taliska qaybta booliska gobolka, saraakiil dhanka ammaanka ah & taliska ciidanka madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland. Wasiir Cabdiamad Maxamed Gallan ayaa mas’uuliyiinta ka dhagaystay xogihii xagga amni ee ugu dambeeyay & weliba xaalka guud ee caasimadda & deegaanada Puntland. Kulanka intii uu socday mas’uuliyiinta ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka & weliba, sida wax looga qaban karo waxyaalaha ammaanka lidiga ku ah. Kulankan ayaa waxa uu ku soo adayaa, xili ciidanka ammaanka Puntland ay labo jibareen howl-galladda ay ka wadaan magalooyinka waa weyn ee Puntland View the full article Share this post Link to post Share on other sites