Sign in to follow this  
Deeq A.

Geelle oo markale isku soo sharraxay xilka madaxweynaha Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha Jabuuti oo xlay ka qayb-galayey barnaamij doodeed ka baxa tvga qaranka ee dalkaasi ayaa waxa uu sheegay inuu yhay musharrax u taagan xilka madaxweynaha dorashada dhaceysa bisha April ee sanadka 2021-ka.

Geelle ayaa sheegay in shacabkiisa ay ka codsadeen in markale uu isku soo taago xilka madaxweynaaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaguna uu aqbalay.

21 sano oo ayuu hayaa xilkan madaxweynaha Jabuuti, isaga oo lagu tilmaamo inuu yahay keligii taliye xukunka ku raagay, waxaana xilka loo doortay 9-kii April 1999-kii.

Doorahada madaxtinimada dalka Jabuuti, ayaa waxaa ay dhaceysa bisha April ee sanadka soo socda ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this