Deeq A. Posted December 23, 2020 Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay qof shacab ahaa lagu dilay duleedka degmada Luuq oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in nin shacab ahaa ay ku dileen deegaan lagu magacaabo Garbooley oo hoostaga degmadaasi. Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamoka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan dilkaasi. Ammaanka degmada Luuqa ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid deggan, waxaana gudaha magaaladaasi ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites