Deeq A. Posted December 23, 2020 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Puntland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ciidamo dheeraad ah ay dhigtay xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyaga oo halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus. Ciidamada oo isugu jira milateri, boolis iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ayaa la dhigay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo cusub ka bilaabeen xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howl-galladan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka. Saraakiisha ammmaanka Puntland weli faah faahin kama bixin baaritaanadaasi oo u jeedkooda lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi. Si kastaba Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar is-maadiin ahaa uu ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay saraakiil sar sare iyo dad shacab ahaa Share this post Link to post Share on other sites