Deeq A. Posted December 23, 2020 Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa saaka oo Arbaco ah hawlgal xooggan ka wada wada, waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Ciidamo ka kooban Laamaha kala duwan ee Amniga, oo kaashanaya hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA, ayaa baaritaano la xiriira sugidda Amniga ka wada xaafadaha dhanka waqooyi ee Gaalkacyo. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa sidoo kale baaritaan ku samaynaya noocyada kala duwan ee gaadiidka iyo xaafadaha qaarkood, waxaana hawlgalka oo mid xooggan ah lagu xaqiijinayaa Amniga magaalada. Wararka qaarkood waxay sheegayaan, in hawlgalkaas lagu qabtay shakhiyaad shaki laga muujiyay iyo sidoo kale gaadiid aqoonsi iyo taariko la’aan ah. PUNTLAND POST The post Hawlgal xoogan oo ka socda waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites