Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF iyo mucaaradka oo dhex-dhexaadin laga dhex billaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah, oo uu hogaaminayay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax.

Kulanka aya waxaa ay uga wada hadleen caqabadaha weli ku hor gudban doorashada 2020/2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa, si dalka uu u gado galo doorashooyinka

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay Midowga Musharixiinta ka codsadeen in ay dhex-dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arrimaha doorashooyinka ee taagan.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Midowga Musharixiinta ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee guddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Kulankan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo waqtiga la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada dalka uu sii dhamaanayo, dowlada federalkana ay ku mashquushay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka kala dhexeeya dalka Kenya.

132364560_3614911795269714_6023897284840 132461090_3614911895269704_3257105482178 132442997_3614912005269693_5098102104951 132072123_3614912101936350_7476808645669 132593999_3614912151936345_5281755272992 132426496_3614912258603001_8043852228322 132347674_3614912358602991_5064006106464 132044630_3614912465269647_2893293078021 132357359_3614912535269640_6030974170478 132597612_3614911695269724_1289246157882 132648450_3614911621936398_3262715720522 132443833_3614911551936405_4309958173544 132481264_3614911455269748_8397097181263

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this