Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceergaabo oo la daahfuray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1608649574260.jpg?resize=720%2C40

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daahfuray wejiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir ilaa Ceergaabo oo lagu bilaabay laami saarka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Wasaaradda Howlaha Guud, Guddigii ka shaqeynayay dhismaha waddada iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo kawada qeyb qaatay, wuxuuna muujiyay in dowladda Puntland ay muhiimad gaar ah u leedahay waddadan.

FB_IMG_1608649605673.jpg?resize=720%2C48

Dhismaha waddada Ceeldaahir ilaa Ceergaabo oo ah mashruuc isku tashi lagu dhisayo ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo Puntland.

PUNTLAND POST

The post Wejiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceergaabo oo la daahfuray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this