Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah golaha wasiirada Puntland oo is-casilay + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Puntland, Mudane Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkaasi, isaga oo warqadda is-casilaadiisa u gudbiyey madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni.

Saalax ayaa ka dalbaday madaxweynaha Puntland inuu ka aqbalo is-casilaadiisa, wuxuuna shacabka iyo xukuumadda u rajeeyey nabad, barwaaqo iyo horumar.

Sidoo kale wuxuu sababta uu isku casilay ku sheegay inay isku fahmi waayeen isaga iyo madaxweyne Deni nidaamka shaqo ee wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.

Wasiirku ma faah faahin is faham-waagaas soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweynaha Puntaland iyo waxa uu salka ku hayo.

 Is-casilaadda wasiirka kalluumeysiga Puntlad ayaa ku soo aadeysa xilli muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf xoogan ka taagnaa xarunta wasaaraddaasi.
Halkan hoose ka aqriso:-

warqadda-is-casilaada.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this