Deeq A. Posted December 22, 2020 (SLT-Garoowe)-Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Maamul Gobolleedka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee Maamulka Puntland. Qoraal uu soo saaray Maxamuud Xaaji ayuu ku macneeyay sababta uu isku casilay inay tahay kadib markii is faham waa xagga shaqada ah uu kala kulmay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Hase yeeshee wasiirka ayaan sheegin nooca is-fahmwaa ee u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyne Deni. Halkan hoose ka akhriso qoraalka is casilaada ee wasiirka: Source Share this post Link to post Share on other sites