Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Puntland oo rasaas iyo qaraxyo ku qabatay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso e xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayey Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ah taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku fashiliyeen qarax lagu aasay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso, kaas oo uu tilmaamay in ciidamadu ay qarxiyeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay gacanta ku soo dhigeen rasaas badan iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada oo lagu diyaarinayey isla magaaladaasi.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

132591594_417729019641989_4073313386468495311_o 1-19 4-8 132045778_417728982975326_3645345030339806397_o 132176059_417729092975315_3582576005170433055_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this