Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Qoor Qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo la hadlayay dadweyanaha maamulkaasi ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed inay xoojiyaan ka hortaga fikirka xagjirka iyo ka been sheegida Diinta Islaamka.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku heyso dadka & dalka islamarkaana la taagan yahay dhamaadka waqtigooda, siduu hadalka u dhigay.

“In la cadeeyo timaalamaha xagjiririinta argagixisada waxaan ka rabnaa culimadda inay xoojiyaan maadaama ay kooxahaan ka been sheegayaan diinteyna subaan oo ay ku baneysteen dilka dadka rayidka,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada inay u midoobaan dagaalka adag ee lagula jiro Xarakada Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyey Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso deegaanada Galmudug, waxaana ugu dambeeyey weerarkii Jimcihii ka dhacay Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay saraakiil iyo dad raydi ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this