Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo dilay guddoomiye degaan ka tirsan Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in ay heleen meydka Guddoomiyihii degaanka Gummarey Cumar Aadan Buul oo jimcihii lasoo dhaafay lagu afduubtay weerar Al-shabaab ku soo qaadeen saldhig ku yaala degaankaas.

Booliska Kenya ayaa sheegay in Guddoomiye Cumar Aadan Buul lagu gowracay meel ka baxsaday degaanka Gummarey, isla markaasna meydkiisa lasoo dhigay degaanka Khorof Harar Konton.

Koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa maalmo ka hor weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ciidanka Booliska Kenya ay ku leeyihiin degaanka Gummarey, iyagoona gacanta ku dhigay guddoomiyihii degaankaas.

Sidoo kale, waxa la sheegay in kooxdu ay dab qabadsiiyeen Isgaarsiinta degaan lagu magacaabo Ileela, oo ka tirsan degmada Mandheera ee Waqooyi bari Kenya.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kor u qaaday weerarada ay ka fulinayaan gudaha gobolka Waqooyi bari Kenya, gaar ahaanna degaannada dhaca xuduudka labada Soomaaliya iyo Kenya.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo dilay guddoomiye degaan ka tirsan Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this