Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaartooyda Koonfur Galbeed Oo Lagu Wareejiyay Dhaqaalo Lacageed Oo Ka Timid Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashooda tahay Koonfur Galbeed oo kaashanaya madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhaqaal lacageed ku wareejiyay maamulka,macallimiinta iyo guddiga kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed ee ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

00000.MTS_.00_02_29_17.Still002-1024x576
Kulanka lacagta lagu wareejinayay ciyaartooyda Koonfur Galbeed waxaa xaadir ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya,Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Konfur Galbeed Soomaaliya.

00002.MTS_.00_01_34_12.Still001-1024x576
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Tamarata Biyaha Daahir Cabdi Cabdullahi(Dr.Go) ayaa u mahad celiyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen,isagoo sheegay in lacagtan ay bilaaw u tahay dhiiri gelinta ciyaartooyda iyo macallimiinta Koonfur Galbeed.

Sequence-151.00_00_52_18.Still001-1024x7

Xildhibaan Cali Ganey iyo Xildhibaan Cali Afgooye oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagana sheegay in ciyaartooyda ay ka sugayaan koobka kubbadda cagta Maamul goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir.

00008.MTS_.00_00_00_04.Still001-1024x576
Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed Ibraahim Adan Najax ayaa u mahad celiyay xildhibaanada heer fedraal ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed,sida wanaagsan ay isku xilqaameen,isagoo sheegay in ay ahmiyadooda ay tahay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag iyo ay ku guulaystaan koobka.

119703134_1030083617449674_5957250948294

Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Lacag Wareejinta Ciyaartooyda Koonfur Galbeed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this