Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo lagu cadaadiyay wadahadal ay la yeelato Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
20201221_203622.jpg?resize=720%2C711&ssl

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka warbixiyay wixii Soomaaliya ka quseeyay ee ka soo baxay shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka Urur Goboleedka IGAD ku yeesheen Jabuuti.

Wasiir Cabdirisaaq oo shir jaraa’id ku qabtau Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u ahayn in ay soo bandhigto eedeyamaha ay u jeedinaysay Kenya, hase yeeshee madaxda IGAD ay aad cadaadis u saareen.

Wasiirka oo kamid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo hoggaaminayay ee ka qeybgalay shirkaas wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyay in khilaafka labada dal lagu xaliyo IGAD dhexdeeda, marka ugu horreysana xiisada la dajiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu sheegay in Soomaaliya ay arrintaas ogolaatay, balse ay codsatay in guddi baaritaan loo saaro wax yaabaha ay ka astakoonayso oo ugu weyn tahay sida uu sheegay jabhad laga soo abaabulayo gudaha Kenya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo lagu cadaadiyay wadahadal ay la yeelato Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this