Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xafiiska Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Dhinaca weftiguna waxay ka koobnayeen

  1. Mr Abner Mosaase
  2. Mr. Malose Ramashala
  3. Mr Allen Magumbi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this