Sign in to follow this  
Deeq A.

Howl-gallo dad lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyey Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay saacadihii la soo dhaafay uga sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka, kadib qaraxii xooganaa ee ka dhacay halkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay rag lala xiriirinayo weerarkii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaaladaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa Shabell u sheegaya in ragga la soo qabtay la xiray, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Qaraxii is-miidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Gaalkacyo ayaa sababay in xaalada adag oo dhanka ammaanka ah ee gasho magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this