Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad: Ciidamada Farmaajo Doolow ka dejiyey horta SOOMAALI ma yihiin?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka jira gobolka Gedo, gaar ahaan ciidanka ay shalay dowlada dhexe ee Somalia ka dajisay gobolkaasi.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore shaki galiyey in ciidamadaasi ay Soomaali yihiin & in kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaas ay muuqdaan kuwa hoggaamiyaha Eritrea ee Afawerki oo laga soo diray Asmara, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolodaan Farmaajo Doolow ka dejiyay horta Soomaali ma yihiin. Mise waa walaalaha cusub ee Afawerki Asmara nooga soo diray?!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad-Salaad-1.jpgHadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada shalay dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo la geeyey xadka Soomaaliya & Kenya.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ka taagneyd halkaasi.

The post Mahad Salaad: Ciidamada Farmaajo Doolow ka dejiyey horta SOOMAALI ma yihiin? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this