Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya oo ka warbixisay shirka IGAD ee Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii looga hadlay kulankii madaxda urur goboleedka IGAD ee ka dhacay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirka 38 ee aan caadi eheyn ee dalalka ku midoobay IGAD ayaa looga hadlay xaaladda wadamada gobolka, iyada oo sigaar ah loo saaray xiisada Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Maxamed Cabdirasaaq ayaa sheegay in ay jireen kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen madaxda labada dal ee Soomaaliya & Kenya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in laga shaqeynayo in la soo saaro warmurtiyeedka kulanka ay isugu yimaadeen madaxda urur goboleedka IGAD.

Kulankan ayaa ku soo aaday, iyada oo muddooyinkii uu dambeeyey uu cirka isku sii shareerayey khilaafka u dhexeeya dowladaha dariska ah ee Soomaaliya & Kenya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

igad-4-630x420

??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

igad-7-561x420 igad-1 igad-2-630x420igad-5-630x420

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this