Sign in to follow this  
Deeq A.

Howl-galka Amisom ee Somalia oo dalbaday taageero caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Amisom ee xilka ka sii degaya ayaa wadamada beesha caalamka ka dalbaday taageero dheeraad ah, si loo dejiyo xaaladda Soomaaliya.

Brig. General Richard Otto oo ahaa taliyihii ciidamada Uganda ee Soomaaliya, sidoo kalena ahaa taliyaha qaybta 1-aad ee howl-galka amisom ayaa hadalkaasi ka sheegay Muqdisho.

“Taageero wax ku ool ah oo beesha caalamka ay siiso Soomaaliya ayaa ka caawin doonto in la dhiso dugsiyo waxbarasho, isbitaallo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hanaanka dhismaha maamulada. ayuu yiri.

Sidoo kale General Otto ayaa xusay in ciidamadiisa ay door weyn ka qaateen ammaanka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in uu ku faraxsan yahay inuu shaqada ka tago xilli ay sarreyso awooda ciidamada malateriga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Uganda ayaa waxaa ay ka mid tahay shanta wadan ee ciidamada ugu deeqay Soomaaliya, iyadoo qaybta koobaad ee ciidamada amisom ay hogaamiyaan saraakiil ka tirsan dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this