Deeq A. Posted December 20, 2020 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wadahadallo hor dhac u ah xalinta khilaafka labada dowladood waxaa ay ku yeesheen dalka Jabuuti halkaa oo uu maanta ka furmay shir madaxeedka Urur gobolleedka IGAD. Goobta ay isku soo hor-fadhiisteen labada madaxweyne waxaa ku sugnaa oo joogay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo gadhwadeen ka ahaa is araga labada madaxweyne. Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitterka ayaa yidhi” “ Awoodda xasilloonida gobolkeenna waxaa mar walba fure u ah iskaashiga iyo horumarka, waxaan ku faraxsanahay hadaan nahay hogaamiyeyaasha inaan miiska wada-hadalno oo aan ka wada hadalno arrimaha cakiran ee ka taagan gobolkeenna” ayuu yidhi Abiy Axmed. Shirka ka furmay dalka Jabuuti ayaa qoddobada miiska saaran ee laga wada hadlayo waxaa ka mid ah khilaafka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo waayadii ugu danbeeyay halkii ugu xumaa gaaray . Source Share this post Link to post Share on other sites