Sign in to follow this  
Deeq A.

Suudan oo Ciidamo dhoobtay xuduudka dhanka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Suudan ayaa maanta Ciidamo xoojin ah u dirtay xuduudda Itoobiya,maalmo kadib markii ay halkaas soo weerareen ciidamada Itoobiya.

Warbaahinta Sudan ayaa sheegay in afar askari lagu dilay islamarkaana 27 kale lagu dhaawacay weerarka, inkasto aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay.

Askarta ayaa waxaa lagu daadgureeyey xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, halkaasi oo ah goobta ay isku dhacyada ka dhaceen, islamarkaana ah dhul ay sheegato Sudan balse ay haystaan beeraley Ethiopian ah.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa, ayaa dhiggiisa Ethiopia Abiy Ahmed kala hadlay calaameynta xuduudda labada waddan.

Addis Ababa ayaa isku dayday inay yareyso ahmiyadda isku dhacan, waxayna sheegtay in dhacdadan aysan helis ku aheyn xiriirka labada dal.

PUNTLAND POST

The post Suudan oo Ciidamo dhoobtay xuduudka dhanka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this