Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax culus oo ka dhacay caasimadda Afgaanistaan ee Kaabul

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa maanta oo Axad ah ka dhacay caasimadda wadanka Afgaanistan ee Kaabul sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay Qarax oo bartilmaameedkiisu ahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka Afganistaan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Sidoo kale Qaraxa waxaa ku dhaawacmay 20 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida laga soo xigtay  wasiirka arrimaha gudaha Afganistaan Mascuud Andarabi.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

PUNTLAND POST

The post Qarax culus oo ka dhacay caasimadda Afgaanistaan ee Kaabul appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this