Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibudhac Ku yimid shirka IGAD ee Jabuuti+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dib u dhac Ku yimid shirka IGAD ee Jabuuti

igad.jpg

Shirkan oo ay isugu imaanayaan waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa lagu waday inuu maanta si rasmi uga furmo Jabuuti balse ilaa haatan ma jiro wax shir ah halkaasi ka furmay oo weli waxaa maran kuraasta waxaana sababta lagu sheegay iney dib u dheceen qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka.

Hase yeeshee waxaa la sheegayaa in madaxda haatan ku sugan Jabuuti ay ku jiraan kulamo gaar-gaar ah.

Madaxada ilaa haatan Jabuuti gaartayna waxaa ka mid ah Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Kenyatta, raysal-wasaareyaasha Itoobiya iyo Suudaan Abiy Axmed iyo Caballa Xamduuk.

Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaas oo maalmihii dambe sare u sii kacayay iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u sheegtay in IGAD ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this