Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya & Kenya oo ku kulmay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Jabuuti caasimaddiisa waxaa maanta ku kulmay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Uhuru Kenyatta.

Shirkan oo la sheegay inuu yahay mid aan caadi ahayn ayaa lagu wadaa in looga hadlo xiisada xoogan ee u dhexeysa labada dal.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ah madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan oo ay isugu imaanayaan waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin dagaalka dalka Itoobiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this